Maxaa looga hadlay maanta Kulanka Todobaadlaha ee Isku Xirka Hay’adaha Amniga iyo Bulshada Jubbaland

0
242
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, ayaa maanta si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada, kaas oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, guddoomiyeyaasha xaafadaha magaalada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday qeybaha kala duwan ee maamulka degmada.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga Degmada Kismaayo. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyadoo la xusay guulaha laga gaaray dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee magaalada iyo Jubaland guud ahaan.
Mas’uuliyiinta ayaa ku booriyay dhammaan laamaha amniga iyo hoggaanka bulshada inay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo helo jawi amni oo deggan, bulshada dhexdeedana lagu dhiirrigeliyo wada shaqeyn iyo ka qeybgal muuqda oo ku aaddan arrimaha amniga.