Xarunta Taliska Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose oo maanta Masaajid la dhagax dhigay.

86
Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose, Gaashaanle Sadik Mohamud Dhogor ayaa maanta dhagax-dhig u sameeyay masjid laga dhisayo gudaha qeybta, kaas oo halkii marbna ay salaadda ku oogi karaan in ka badan 500 oo ruux.
Cabdiraxmaan Cusmaan Jaamac (Macalin Jeemis oo isagu masuul uga ah hay’ada Al-Kheyr oo bixisay kharashka ku baxay dhismaha masaajidkan, ayaa goobjoog ka ahaa munaasibadda loo sameeyey dhagax dhiga.