Wasaaradda amniga dowladda Jubbaland oo wadda dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga booliska iyo bulshada

0
3

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland, Xareed Kilas Cabdi, ayaa maanta deegaanka Goobweyn ee waqooyiga magaalada Kismaayo ka furay kulan looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta bulshada iyo Ciidanka booliska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda amniga gudaha Jubbaland, Xareed Kilas Cabdi, ayaa maanta deegaanka Goobweyn ee waqooyiga magaalada Kismaayo ka furay kulan looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta bulshada iyo Ciidanka Booliska.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Saldhigga Booliska Goobweyn, 2 Xidigle Muxiyadiin Shuuriye Xasan, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la helo wada-xiriir toos ah oo joogto ah oo u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha amniga, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadgelyada.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay doorka ay bulshada ku leedahay sugidda amniga, iyadoo lagu dhiirrigeliyey dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska, isla markaana ay soo gudbiyaan xogaha la xiriira falalka amni-darro iyo khataraha laga yaabo in ay saameeyaan nabadgelyada deegaanka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Ciidanka Boolisku ay si dhow ula xiriiraan bulshada, dhageystaan cabashooyinkooda iyo talooyinkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa kalsooni iyo is-faham dhex mara shacabka iyo hay’adaha amniga.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in wada-shaqeynta bulshada iyo Boolisku ay muhiim u tahay ka hortagga falalka amni-darro, xallinta caqabadaha amni ee deegaanka iyo xaqiijinta nabadgelyo waarta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha amniga, iyadoo la doonayo in bulshada ay door muuqda ka qaadato sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.