Dhalinyaro ku nool Kismaayo oo soo bandhigay sawir gacmeedyo ka hadlaya ilaalinta dhaqanka Soomalida.

1857
Sawir qade:Cabdifatax Daljir

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa booqosho ku tagay xarunta  farshaxanka ee Kismaayo College.

Xaruntaan ayaa lagu tababaraa dhalinyarada taalantiga u leh farshaxanka iyo sawir gacmeedka lagu sawiro gacanta.

Dhalinyarada lagu tababarayey xarunta ayaa  waftiga agaasimaha u soo bandhigay sawiro gacmeed ay hore u sameeyeen,kuwaasi oo isugu jiray sawiro ka hadlaya ahmiyada nabada,Isdhexgalka bulshada,dhaqanka Somalida ,waxbarshada,bilicda deegaanka iyo ilaalinta deegaanka.

Ujeeda boqashada agaasimaha wasaarada ayaa ahaa in uu wax ka ogaado tababarada iyo shaqada ka socota xarunta,Si dhalinyarada baranaysa xirfadaan kor loogu qaado waxtarkooda ayna u hellaan tababaro ku filan.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in wasaarada ay mar  kasta ka shaqaynayso horumarinta xirfadaha dhalinyarada Jubbaland booqashada maanta ay ku imaadeen xarunta Kismaayo College ay taas salka ku hayso.

“waftigayga maanta waxaa ka mida hay’addo aan doonayno in ay caawiyaan dhalinyarada talantiga u leh farsamada sawir gacmeedka,waana ku faraxsanahay maanta sawirada ay dhalinyarada soobandhigeen”sida waxaa Radio Kismaayo u sheegay Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan  Cabdi Axmed

Kismaayo College ayaa waxaa farshaxanka ka barta ilaa 50 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho,kuwaas oo mustaqbalka doonaya in xirfada farshaxanka ay shaqo ka dhigtaan,maadama ay xirfadan ku yar tahay dalka iyo deegaanada kala duwan ee Jubbaland.