
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlada Jubaland, Mudane Maxamed Cusmaan Jaamac ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay hay’adaha Swiss Development Cooperation (SDC), NRC iyo hay’ado kale oo ka howlgala Jubbaland.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Jubbaland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, iyadoo diiradda la saaray baahiyaha iyo mudnaanta bulshada, iyo sidii loo dardargelin lahaa wax ka qabashada xaaladaha bini’aadanimo iyo tan bulsho ee deegaanada Jubbaland, xilli hoos u dhac ku yimid deeqaha caalamiga ah oo saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah barnaamijyada gargaarka iyo horumarinta.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa hay’adaha la wadaagtay warbixino la xariira xaaladda nololeed iyo bulsho ee u baahan garab istaaga.
Madaxda ka socda hay’adaha Swiss Development Cooperation (SDC), NRC iyo hay’adaha kale ee ka howlgala Jubbaland, ayaa si gaar ah u danaynaya sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladaha isbadallada cimilada – sida fatahaadaha iyo abaaraha.
Dowladda Jubaland, gaar ahaan Wasaaradda Gargaarka ayaa isku diyaarinaysa sidii ay uga jawaabi lahayd filashada saadaasha ee ah badbaadinta shacabka haddii ay saameeyaan fatahaadaha nagu soo wajahan, iyadoo wax badan laga bartay kuwa horay u saameeyay shacabka ka agdhow nawaaxiga webiga Jubba.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







