
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland ayaa safar dhulka ah ku maray waddada isku xirta degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.
Safarkan ayaa diiradda lagu saaray kormeerka xaaladda amniga iyo xaaladaha ka jira deegaannada uu maray, isagoo kulamo la qaatay maamullada degmooyinka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale, safarka waxaa lagu dardargeliyay qorshayaasha dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta gobolka Gedo, iyadoo la qiimeeyay baahiyaha adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada waddooyinka, caafimaadka iyo biyaha.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada ku booriyay inay adkeeyaan midnimada, wada-shaqeynta iyo nabadda, si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta. Wuxuu xusay in Dowladda Jubaland ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo horumarka guud ee gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







