Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland oo La Wareegtay Kanaallo Cusub oo Lagu Horumarinayo Waraabka Beeraha

0
221
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubaland ayaa maanta la wareegtay dhowr kanaal oo dhawaan la hirgaliyay, kuwaas oo diyaar u ah inay biyo gaarsiiyaan beeraleyda ku nool afar deegaan oo muhiim u ah wax-soo-saarka beeraha ee gobolka Jubbada Hoose.
Kanaalladan ayaa door weyn ka qaadan doona horumarinta waraabka, kor u qaadidda wax-soo-saarka dalagyada, iyo xoojinta amniga cuntada, iyagoo fududeynaya in beeraleydu helaan biyo ku filan xilliyada beerashada