Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubaland oo WASH Cluster-ka kala hadashay xoojinta wada-shaqeynta iyo diyaar-garowga roobabka El Niño

0
5
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ayaa xarunteeda magaalada Kismaayo ku qaabishay Mr. Joseph, Hoggaamiyaha WASH Cluster-ka Qaranka (National WASH Cluster Lead), iyo Mr. Ahmed, Isuduwaha WASH Cluster-ka Gobolka.
Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Ahmed Noor(Siyah) iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta, isku-duwidda howlaha WASH iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee la xiriira saadaasha roobabka El Niño.
Intii ay booqashadu socotay, masuuliyiinta ayaa booqday Shaybaarka Tayada Biyaha iyo bakhaarka agabka WASH, sidoo kalena waxay kulan wada-tashi ah la yeesheen hay’adaha WASH ee ka howlgala Kismaayo.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa soo xiray Agaasimaha Waaxda Biyaha Mudane Liibaan Molwiid, isaga oo xoojiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Wasaaradda, WASH Cluster-ka iyo hay’adaha bahwadaagta ah, si loosii horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada reer Jubaland.