
Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta ka fuliyay deegaannada Makubuno, Kabisa, Madax-Baabuurka, Lafa-gari, Xabala Afwaax, Weelmaarow iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalladan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Ciidamada ayaa gudaha u galay goobihii ay kooxdaasi gabaadka ka dhigan jirtay, iyagoo burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay u adeegsanayeen abaabulka, kaydinta agabka iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ujeeddada hawlgalladani ay tahay sii wadista cadaadiska lagu saarayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si looga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan loona xaqiijiyo amniga shacabka.
Waxay sidoo kale xuseen in hawlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta ay Khawaarijtu ku hayaan deegaannada gobolka Jubbada Hoose.
by Mohamed Yarow Mohamed

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







