
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland ayaa qabatay tababar ku saabsan Xoojinta Doorka Bulshada ee Horumarinta Kaabeyaasha Degmooyinka.
Tababarkan oo uu furay Agaasimaha Guud, Mudane Cabdishukri Carab, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda iyo doorka ay bulshadu ku leedahay ka qaybgalka mashaariicda kaabeyaasha horumarinta dhaqaalaha ee heer degmo. Waxa uu tilmaamay in ka qaybgalka bulshada uu xaqiijiyo in mashaariicdu la jaanqaadaan baahiyaha dhabta ah ee dadka deegaanka, isla markaana bulshadu door muhiim ah ka qaadato kormeerka iyo ilaalinta hufnaanta mashaariicda, halka lahaanshaha bulshada uu kordhiyo waaritaanka iyo dayactirka kaabeyaasha.
Ugu dambayn, aqoon-is-weydaarsigan waxaa laga filayaa in uu horseedo bulsho si firfircoon uga qayb qaadata horumarinta kaabeyaasha, kor u qaadidda iskaashiga dowladda iyo shacabka, iyo in la helo mashaariic waara oo si hufan u shaqeeya heer degmo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







