Beeralayda ku nool deegaanada waqooyiga Kismaayo oo ka faa’iidaysanaya Webiga Jubba biyo-keenay

878

Roob-ka guga oo ka curtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa suurtagaliyey in Webiga Jubba oo sadexdii Bilood ee aan soo dhaafnay biyihiisa dhanaan noqdeen oo biyaha badda soo galeen uu hadda keeno biyo macaan,kuwaas oo soo gaadhay deegaanka Qaam Qaam.

Dadka deegaanka Qaam Qaam oo ka mid ahaa dadka ku tiirsanaa biyaha webiga Jubba ayaa saka ku waabariistay webiga oo keenay biyo macaan oo dadka iyo duunyada cabi karaan.
Bishii Kowaad ee sanadkaan ayaa dadka ku nool Goobweyn,Qaam Qaam iyo Yoontooy ugu danbaysay biyo macaan oo ay Webiga ka hellaan waxaana biyaha webiga noqdeen dhanaan maadama badu ku soo celisay markii biyaha webiga hoos u dhaceen.
Dadka Beeralayada ah ee ku nool waqooyiga magaalada Kismaayo oo bilihii aan soo dhaafnay aan beerin wax-dalagyo ah ayaa dib u bilaabay tacabka beeraha.

Qaar ka mid ah beeraleyda qaam qaam oo la hadlay radio kismaayo ayaana waxa ay ka hadleen sida uu dareen kooda yahay maanta
Gudoomiyaha deegaanka Qaam Qaam Cali faarax Ismaaciil oo dhankiisa ka hadlay xaladihii ugu danbeeyay mudooyinkaan ee webiga Jubbada biyo yareeyey ayaa waxaa uu sheegay in xaalada nolasha dadka deegaanka ay aad u adkaatay.

hoos ka dhageeyso codka Gudoomiyaha Qamqaam