Duqa Magaalada Kismaayo oo Kormeeray Waddada 10-aad oo Lagu Wado in Laami Casri ah la saaro

64
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa kormeer ku tagay Waddada 10-aad, iyadoo ay weheliyeen injineerro ka tirsan kooxda hirgelinta mashruuca dhisamaha wadooyinka laamiga ah ee Magalada Kismaayo.
Waddadan ayaa dhawaan la qorsheynayaa in lagu dhigo laami casri ah, si loo horumariyo isu socodka gaadiidka, isla markaana loo kordhiyo bilicda magaalada Kismaayo.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta wadooyinka gudaha magaalada ee dowaldda Jubbaland ay wado.
Duqa magaalada ayaa shacabka deggan hareeraha waddada ugu baaqay in ay dib uga durkaan meelaha uu mashruucu saameynayo, si dhismaha laamiga uu si hufan oo habsami leh u hirgalo.
Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale xusay in maamulka degmada ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaal waara oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed.