
Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Dowlada Jubbaland, Axmed Cabdullaahi Axmed, oo uu wehlinayo gudoomiyaha ciyaaraha degmada kismaayo ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku gaaray Degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo u kuur galaya xaaladda dhabta ah ee ciyaaraha iyo baahiyaha ka jira gobolkaasi.
Garoonka diyaaradaha degmada Doolow Waxaa Gudoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweyey Gudomiyaha xirirka kubada cagta Gobalka Gedo, madaxa Iskuduwaha xirirka hay’adaha dagmada, Iskuduwaha dhalinyarada iyo ciyaaraha degmada Doolow, Gudomiyaha sports dagmada doolow, madaxa tartamada Degmada, iyo qeybaha kala duwan ee dhalinyarada sports ka dagmada Dolow.
Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Jubbaland ayaa waxa uu qorshahiisa yahay in uu gudoonsiiyo agab ciyaareed kooxaha ka dhisan gobolka, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo horumarinta ciyaaraha deegaanka, laguna dhiirrigelinayo dhalinyarada xiiseysa kubadda cagta.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubbaland ku tago gobolka Gedo, taas oo tilmaam u ah sida maamulka sare ee ciyaaraha Jubbaland uga go’an tahay in la helo horumar iyo isdhexgal ciyaareed oo gaara dhammaan gobollada Jubbaland.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







