
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shirkii isku-duwidda saddex-biloodlaha ahaa ee dowladaha hoose, kaas oo si weyn diiradda loogu saaray xoojinta wada-shaqeynta maamullada degmooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo khubaro ku xeel dheer maamulka dowladaha hoose, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee adeeg bixinta iyo caqabadaha jira.
Waxaa si gaar ah loo dul istaagay baahida loo qabo in la mideeyo qorsheyaasha horumarineed ee degmooyinka, si loo helo adeegyo hufan oo gaara bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo nadaafadda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladaha hoose ay yihiin laf-dhabarta adeegyada aasaasiga ah, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo awooddooda maamul iyo mid farsamo si ay si wax ku ool ah ugu adeegaan shacabka.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo in la dhiso nidaamyo casri ah oo lagu maareeyo howlaha dowladaha hoose.
Intii uu socday shirku, waxaa la isku raacay in la joogteeyo shirarkan saddex-biloodlaha ah si loo hubiyo isku xirnaan joogto ah, loona dardargeliyo fulinta qorsheyaasha horumarineed,Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la kordhiyo tababarada shaqaalaha dowladaha hoose iyo in la sameeyo hannaan mideysan oo xog-wadaag ah, si loo fududeeyo wada shaqeynta iyo is fahamka ka dhaxeeya degmooyinka.
Ugu dambeyn, shirkan ayaa muujinaya dadaalka ay Jubbaland ku dooneyso in ay ku horumariso maamulka hoose iyo tayeynta adeegyada bulshada, taas oo la filayo in ay si toos ah u saameyso nolosha dadka ku nool Kismaayo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







