Guddida Gurmadka abaaraha Jubbaland oo deeq raashin ah gaarsiyay ku dhowaad boqol qoys oo ku nool degmada Afmadow

0
185
Guddida Gurmadka Abaaraha degmada Afmadow, oo kaashanaya maamulka degmada, ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay ku dhowaad boqol qoys oo danyar ah, kuwaas oo si weyn ay u saameeyeen abaaro ba’an oo ka jira gobolka.
Qoysaskan oo u badan reer guuraa ayaa abaartu ka laysay xoolihii kuwaas oo ahaa isha kaliya ee ay ku tiirsanaayeen nolol-maalmeedkooda.
Deeqdan raashinka oo ay bixiyeen dad muxsiniin ah ayaa loogu talo galay in lagu yareeyo saameynta adag ee abaaruhu ku yeesheen nolosha dadkaas nugul.
Mas’uuliyiinta Guddida Gurmadka ayaa sheegay in wajiga labaad ee qaybinta raashinka la gaarsiin doono dadka ugu liita, gaar ahaan kuwa ay si daran u tabaaleeyeen abaaraha baahsan ee ka jira dalka.
Ugu dambeyn, guddidu waxay ugu baaqeen hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.