
Ciidamada halyeeyada Daraawiishta Dowlada Jubbaland ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa-Cabdalle ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka fuliyay deegaano dhowr ah.
Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Qumbi iyo deegaano kale oo ku dhow, ayaa lagu burburiyay fariisimo ay kooxaha khawaarijta si dhuumaleysi ah uga sameysteen halkaas. Ciidamadu waxay sheegeen in howlgalladu ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaannada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







