Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo ku Saabsan Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Dadka Naafada ah

0
248
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ballaaran oo ku saabsan hindise-sharciyeedka xuquuqda dadka naafada ah, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda dadka leh baahiyaha gaarka ah ee ku nool deegaannada Jubbaland.
Kulankan oo ay si firfircoon uga soo qeybgaleen xubno ka socday bulshada naafada ah, iyo daneeyayaal kale, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa sharci rasmi ah oo si cad u qeexa xuquuqda, waajibaadka iyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin dadka naafada ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Miski Yuusuf ayaa ka hadashay ahmiyadda uu leeyahay diyaarinta xeer gaar ah oo u taagan dadka naafada ah ee Jubbaland, iyadoo xustay in sharcigan uu noqon doono mid saldhig u ah helitaanka adeegyo loo siman yahay, fursado waxbarasho iyo shaqo, iyo in laga hortago takoor kasta oo ku saleysan naafonimo.