Maamulka puntalnd oo amar ku soo rogay qaadkii soo gali jiray degaanada maamulkaasi

1116

Qaadka imaanayay deegaamada Puntland ayaa hakad uu ku yimid, kadib markii madaxwaynaha cusub Puntland uu kusoo rogay canshuuro dheeraad ah.

Wareegto kasoo baxday maadxwaynaha Puntland ayaa lagu joojiyay canshuur dhaaf ay sameyn jireen dowladihii hore, waxaana la amray in boqolkiiba boqol la canshuur.

Haweenka ka ganacsada qaadka ayaa sheegaya in canshuurtan ay tahay mid aad u badan, halka fartii qaadka horay loo iibin jiray $16, lagu soo rogay qiimo u dhigma, taasi oo noqonaysa laba jibaar qiimaha hadda la kala siisto, waxaana ay joojiyeen qaadkii ka dagi jiray magaalooyinka Bosaso, Qardho , Garoowe iyo Gaalkacyo.

Shacabka ayaa arrintan u arka tilaabo horay loo qaaday, haddana waxaa dhanka kalle ku tiirsan hooyooyin badan oo waxbarashada iyo biilka kaga bixin jiray carruurtooda.

Go’aankan ayaa imaanay iyadoo sidoo kalle wali aan lasoo dhisin golaha xukuumadda, oo la filayo dhismahooda mid wax badan ka badali karta xaaladda dhaqaalle xummo iyo ammaan ee ay ku sugantahay Puntland, marka loo eego dardarta uu kusocda madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr Saciid Abdullahi Deni.