
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Marwo Jill Lawler oo ah Madaxa Howlgalada ee hay’adda UNICEF.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, Mudane Xared Kilas Cabdi.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray badbaadinta carruurta, xoojinta ilaalintooda, iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Jubbaland iyo UNICEF, gaar ahaan arrimaha la xiriira daryeelka iyo mustaqbalka ubadka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubbaland ee lagu xoojinayo amniga bulshada, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda carruurta, si loo xaqiijiyo badqabkooda iyo horumarkooda mustaqbalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







