Ciidamada oo weli wada baacsiga iyo nadiifinta maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo gacanta ku dhigay dhaawacayo hore leh iyo meydad ay kaga carareen duurka foga.

0
194

Ciidamada geesiyaasha Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa weli sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaano ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu sameeyeen ilaa xalay ayaa lagu guuleystay in lagu helo 24 maydad ah oo ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, halka sidoo kale la soo qabtay 2 xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo la helay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee Kudhaa.

Sidoo kale, aroornimadii saaka hore, ciidamada howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay 4 xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee horay u galay duurka, kadib markii ay ka baxsadeen dagaalladii hore.

Dhanka kale, ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa weli ku raadjooga Horjooge Fuaad Shangole, oo la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus oo dhanka madaxa ah.

Horjoogahan ayaa horey dhibaatooyin badan ugu geystay shacabka Soomaaliyeed, balse haatan ay ciidamada ku wadaan baadi-goob xooggan si loo soo afjaro.

Howlgalladan isdaba-joogga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada miyiga ah kadib markii la dilay inta badan maleeshiyaadka soo arbushay deegaanka Kudhaa.