Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Jubaland oo Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub, laguna gorfeeyay xaaladda abaaraha iyo horumarinta Jubaland.

0
217

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud iyo xubno ka tirsan kooxda farsamada ee Wasaaradda, ayaa kulan muhiim ah Magalada Nairobi kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Francesca Di Maura, oo ay wehelinaysay Madaxa Iskaashiga Midowga Yurub.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray Qorshaha Horumarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota, kaas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen Dowladda Jubaland iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale xaaladda abaaraha ka jira Jubaland, oo u baahan jawaab degdeg ah iyo taageero isku-duwan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan horumarinta Jubaland iyo dadaallada dowlad-dhiska, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Dhankooda, Safiirka Midowga Yurub ayaa bogaadisay shaqada baaxadda leh ee laga qabtay diyaarinta Qorshaha Horumarinta Jubaland, taas oo, sida ay sheegtay, dhiirrigelinaysa in Midowga Yurub sii labanlaabo taageeradooda ku aaddan hirgelinta qorshaha iyo horumarinta Jubaland.