Roobab xooga oo ka da’ay Magaalada Baladweyne oo sababey in wabiga Shabeele uu ku fataho qaybo kamid ah magaalada.

85

 

Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ay.
Shacabkii deganaa xaafadaha Wabiga shabeelle uu ku fatahay ayaa saaka ka barakacay, iyagoona deegaansaday dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab dabeylo iyo daad wato.