
Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay munasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Samatabixinta ee Jubbaland, kaasi oo dhowaan halkaasi lagu soo gabagabeeyay, islamarkaana la sheegay in uu xambaarsanaa qodobo muhiim u ah jihada siyaasadeed iyo mustaqbalka dalka.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si weyn uga qeybgalay Haween Weynaha Qaranka iyo Haweenka Dowladda Jubbaland, kuwaas oo muujiyay dareenkooda ku aaddan natiijooyinka shirka, islamarkaana adkeeyay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin geeddi-socodka siyaasadda iyo horumarka dowladnimada.
Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa si cad u taageeray qodobadii shirka laga soo saaray, iyagoo xusay in go’aannadaasi ay horseedi karaan xasillooni siyaasadeed, wadatashi qaran iyo in la helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in haweenku ay diyaar u yihiin ka qeybgal buuxa oo wax ku ool ah oo ku saabsan go’aan-qaadashada masiiriga ah ee dalka.
Haweenka khudbadaha jeediyay ayaa tilmaamay in doorka haweenka uusan ku koobnayn taageero oo keliya, balse ay lagama maarmaan tahay in ay noqdaan hoggaamiyeyaal, talo-bixiyeyaal iyo go’aan-gaareyaal ka qeyb qaata dhismaha mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ugu baaqeen hay’adaha dowliga ah iyo hoggaanka siyaasadda in la dardargeliyo fursadaha ka qeybgalka haweenka ee heer kasta oo hoggaamineed.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







