Kismaayo:Madaxweyne hore Sheikh Shariif oo suaalo lagu waydiiyay kullan dadweyne

0
255
Madal qurux badan oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Jaamacada Kismaayo iyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa xalay loogu Qabtay Hoolka Daawad ee Magaalada Kismaayo Madaxweyne Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmahan ku sugnaa Xarunta KMGka Dowladda Jubbaland ee Kismaayo.
Munaasabada ayaa isugu jirtay Dood la xiriirta Doorka Aqoonyahanka iyo badbaadinta Jamhuuriyada Sadexaad ee Dalka, waxaana sidoo kale Madasha ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Dowlada Jubbaland iyo Xildhibaanada Dowladda federaalka , Golaha Wasiirada Dowladsa Jubbaland iyo qeybaha Bulshada.
Dadkii kasoo.qeybgalay Munaasabada ayaa su’aalo la xjriira Moowduuca weeydiiyay Madaxweyne Shariif kuwaasi oo u badnaa Badbaadinta Wadankan mudada dheer burbursan si loo helo Dowlad Caadil ah oo dalka oo dhan ka hana qaada.
Madaxweyne hore Shariif Sheeq Axmed ayaa u sheegay bulshada goobta isugu timid in maanta aqoonyahanka Soomaaliyeed uu u baahanyahay wadankan si meesha looga saaro Colaadaha iyo Dhibaatooyinka jira.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu dambeentii Madaxda Dowladda Jubbaland iyo Shacabka oga mahadceliyah Soo dhaweenta diiran iyo Taageerada ay u muujiyeen Madaxweyne Hore Sbarif