Wasiirka Deegaanka Jubbaland oo shir deg-deg ah la yeeshay Agaasimayaasha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

0
138
Wasiirka Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubbaland, Mudane Caydid Sulayman Xashi, ayaa maanta shir deg-deg ah la yeeshay Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Shirka oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira isbeddelka cimilada, ilaalinta deegaanka, iyo dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee wasaaradda horyaalla. Wasiirka ayaa Agaasimayaasha faray in ay si hufan oo deg-deg ah uga jawaabaan caqabadaha jira, isla markaana ay xoojiyaan wada-shaqeynta gudaha iyo tan hay’adaha kale.
Mudane Caydid Sulayman Xashi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga xaalufinta dhirta, iyo diyaar-garowga saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo fatahaadaha.
Agaasimayaasha waaxyaha ayaa dhankooda soo bandhigay warbixino ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyagoo balan qaaday in ay fulin doonaan tilmaamaha wasiirka si loo gaaro horumar la taaban karo.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku booriyay dhammaan shaqaalaha wasaaradda in ay labanlaabaan dadaalkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalka istaraatiijiga ah ee wasaaradda, loona xaqiijin lahaa deegaan nadiif ah oo waara.