Ciidanka Dowladda oo howlgal gaar ah ka fuliyey Muqdisho

890

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalo gaar ah oo lagu suganayo nabad-galyada ka sameeyay qeybo ka mid ah xaafadda magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan dagmooyinka Warta Nabadda iyo Howl wadaag ee Gobalka Banaadir ayaa qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha Ammaanka oo ku aadan howlgalka gaarka ah ee xalay laga fuliyay xaafado ka tirsan Muqdisho.