
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo si weyn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo hoggaaminayay wafdi ballaaran.
Soo dhaweynta ayaa ahayd mid ballaaran oo ay ka qeyb qaateen masuuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo muujinaysay ixtiraam iyo taageero loo muujiyay musharraxa iyo wafdigiisa.








![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







