
Waxaa Degmada Dhoobley ka furmay shir ku saabsanaa Daadajinta iyo Gaarsiinta xeerka ilaalinta iyo maareenta Deegaanka kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka Iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Jubbaland.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay mamulka Degamada, Gudoomiye ku xigeenka degmada Dhoobley,Taliyaha Amniga degmada dhobley, iyo Xeer ilaaliyaha degmada,
Sidoo kale waxaaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Dagmada Dhoobley.
Wasaarada deeganka iyo isbedelka cimilada oo soo bandhigtay xeerka ilaalinta iyo maareynta deeganka ayaa si qotodheer u sharaxay xeerkan oo Madasha ka hadlay oo faafaahiyay xeerkan iyo waxa uu yahay Agaasimaha waaxda maamulka Gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada Cabdi qani Salad Mohamed waxaana uu sheegay in Xeerkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay sidii ilaalin lahaa Deegaanka.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay oo sharaxay muhiimada ilaalinta deeganka iyo badqabkiisa ka hadlay dhamaan masuuliyintii kasoo qayb galay shirka oo sheegay in baahi weyn loo qabay xeerkan sidoo kale waxay sheegeen in ay si ween usoo dhaweeynayaan oo ay dhaqangalintiisa ay diyaar u yihiin.
Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Jubbaland ayaa ka biloowday Dagmooyinka iyo Deegaanada Jubbaland sidii lagu gaarsiin lahaa Bulshada iyo Maamulada Dagmooyinka Xeerkan kaasoo waxbadan ka tari doona in Bulshada ay ku baraarugaan ilaalinta deegaanka iyo Badqabkiisa.









