
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland, ayaa martigelisay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta la xuso 10-ka Diseembar, iyadoo soo bandhigtay guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiray sanadkan dhammaanaya ee 2025.
Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ah mid bulshada looga wacyi galiyo ilaaalinta iyo dhowrida xaquuqda aadanaha, iyo In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Xilidhibaano ka tirsan golaha shacabka Jubaland, hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee ka shaqeeya Xuquuqul Insaanka iyo uruurda bulshada rayidka.
Xuska maalintaani Caalamiga ah oo sanadkiiba mar la qabto, soona bilaabatay 1948, xiligaas oo shirki Golaha Guud ee Qaramada Midobay la isugu raacay in 10-ka Diseembar ay tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha, ayaa waxaa hal-kudhiga sanadkaani uu ahaa Baahiyaha maalinlaha ah.









