Deegaano ka tirsan Jubbaland oo ay abaaro ku dhufteen

0
114
Abaaraha baahsan ee ku dhuftay deegaana badan oo Jubbaland kamid ah ayaa waxaa isasoo taraya tirada dadka ku baracaya Dagmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.
Dhobleey waxaa ku yaala xeryo ay daganyihin dad barakacayaal ah kuwaasi oo aanan xiligan heeysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha bani aadamka.
Dadka buuxdhaafiyay xeryaha barakacayaasha ee magaalada Dhoobleey ku sugan ayagana ma heestaan cuno biyo ku filan iyo waxyaabaha ee ay noloshooda ku maareen lahaayeen.
Radio Kismaayo oo ku booqday dadka halka ay ka daganyihiin magaalada dhoobleey ayey noo sheegeen in noloshooda ay qarka u saarantahay in dadka ay u dhintaan macluul, waxaana ay ku baaqeen in gurmad dag dag ah lala soo gaaro.
Dhawaan Maamulka iyo Odayaasha dagmadaas dhoobleey ayaa soo saaray qeyla dhaan ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadkeena somaaliyeed ee oonka iyo harradka la daalaa dhacaya ee ku nool dhoobleey iyo nawaaxigeeda.