
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Qaybta Amniga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Jubbaland (UNDSS), Marwo Berina Kovacevic.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee Jubbaland, xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda Amniga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada farsamo iyo tan tababarka ee lagu horumarinayo amniga gobolka.
Sidoo kale, sargaal ka socday UNPOL ayaa ka qeyb galay kulanka, isaga oo soo bandhigay warbixin la xiriirta taageerada iyo qorshayaasha socda ee dhanka amniga iyo dhisidda awoodda ciidamada.
Wasiir Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal) ayaa uga mahadceliyay wafdiga Qaramada Midoobay sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda Jubbaland, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga amniga iyo hirgelinta qorshayaasha wadajirka ah.
Dhankiisa, Marwo Berina Kovacevic ayaa xustay in UNDSS ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Jubbaland, gaar ahaan dhinacyada xasilinta, la-dagaalanka falalka amni darrada, iyo kor u qaadidda diyaar garowga amni ee hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta howlaha wadajirka ah ee amniga iyo xoojinta xiriirka Dowladda Jubbaland iyo Qaramada Midoobay.










