Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland iyo Masuuliyiin Kale oo Gaaray Baladxaawo

51
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Marka uu soo gaaray Madaxweyne ku-xigeenka Degmada Baladxaawo waxaa kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Jubbaland, oo horay u joogay degmada sida Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arimaha Gudaha iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baladxaawo, Taliyaha Ciidamada daraawiishta Jubaland ee Gobolka Gedo iyo Masuuliyiin kale.