
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Jubbaland Ismaaciil Garas, ayaa Isbitaalka Guud ee Kismaayo kusoo dhaweeyey wafdi ka socday Hay’adda UNOPS iyo Madax ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federaalka, kuwaasi oo u kuurgalayay dhismaha isbitaalka oo qeyb ka ah mashruuca Covid-19.
Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada Abshir Yusuf, Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, iyo Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo Dr. Carab Ibraahim.
Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay halka uu marayo mashruuca, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan horumarinta howlaha socda.











