Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo Hirgelisay Ololaha Tallaalka Xoolaha ee Afmadow

0
69
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Jubbaland, oo kaashaneysa hay’addaha Taageera ayaa Degmada Afmadow ka fulisay mashruuca tallaalka iyo daawaynta xoolaha, kaas oo socday muddo 25 cisho ah.
Mashruucan tallaalka xoolaha oo socday 25-ka cisho, ayaa sidoo kale laga fuliyay tuulooyinka miyiga ee ku teedsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoona ujeeddadu ahayd in lagu hortago caabuqyada iyo xanuunnada faafa ee ku dhaca xoolaha, isla markaana loo ilaaliyo badqabkooda.
Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo muddooyinkii dambe ay jireen abaaro si weyn u saameeyay nolosha xoolo badan oo ay ka manaafacaadsan jireen reer guuraaga Soomaaliyeed.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Jubbaland ayaa weli wada dadaallo dheeraad ah oo lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka xoolaha, si gaar ahna loogu gaarsiiyo deegaanada Jubbaland – gaar ahaan kuwa ay abaaruhu si xooggan u saameeyeen.