Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo Adeegyo Caafimaad Gaarsiiyay Deegaanka Janna Cabdalle

0
69

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Nuuraan Cali, ayaa booqasho shaqo ku tegay deegaanka Janna Cabdalle iyo tuulooyin kale oo ku dhow, kuwaas oo ay si weyn ugu tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha.
Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay dhaqaatiir xoolaha ku takhasusay iyo hawlwadeenno kale oo ka tirsan wasaaradda, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlo caafimaad oo muhiim u ahaa bulshada deegaanka ay fisay wasaaraddu.
wasiirka iyo kooxdiisa ayaa bulshada xoola-dhaqatada ah u fidiyey adeegyo caafimaad kuwaas oo isugu jiray tallaal, daaweyn, iyo qiimeyn caafimaad oo guud.
Waxaa sidoo kale la sameeyay wacyigelin ku saabsan ka hortagga cudurrada faafa iyo daryeelka joogtada ah ee xoolaha.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhaq dhaqaaqan uu yimid kadib markii ay soo kordheen xanuuno ku dhacay xoolaha, gaar ahaan geela iyo ariga, kuwaas oo sabab u noqday in xoolo badan ay xanuunsadaan,
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay inay si joogto ah u ballaariso adeegyada caafimaadka xoolaha, isla markaana ay sare u qaaddo u diyaar garowga wax ka qabashada xanuunada xoolaha ku dhaca, Waxa uu xusay in barnaamijyada caafimaadka xoolaha, tababarada iyo ololaha wacyigelinta bulshada la sii xoojin doono, si loo hubiyo in xooluhu helaan daryeel tayo leh oo joogto ah.

Bulshada xoola-dhaqatada ee deegaanka Janna Cabdalle ayaa uga mahadcelisay wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ilaalinta caafimaadka xoolaha, iyagoo hoosta ka xariiqay in adeegyada la gaarsiiyay ay kaalin weyn ka qaadan doonaan yareynta khasaaraha ka dhasha cudurrada ku dhaca geela iyo ariga.
Safarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda ee lagu doonayo in adeegyada caafimaadka xoolaha lagu gaarsiiyo deegaannada fogfog, si loo taageero bulshada ku tiirsan dhaqashada xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Jubbaland.