
Ciidamada halyeeyada ah ee Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ballaaran ka fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo muddo la diyaarinayey ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni, iyo Maleyleey, kuwaas oo cadowgu u adeegsan jiray in ay ka soo abaabuli jireen weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada isgarabsanaya ayaa si xeeladaysan u weeraray saldhigyadii cadowga, waxaana halkaas lagu dilay 56 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Khawaariijta halka 20 kale oo dagaalamayay lagu soo qabtay iyaga oo nool.
Saldhigyadii cadowga ee ku yaallay tuulooyinka la beegsaday ayaa gabi ahaanba la burburiyey, iyadoo ciidamada dowladda Jubbaland ay ku guuleysteen inay meesha ka saaraan awooddii iyo dhaqdhaqaaqii ay halkaasi ku lahaayeen Khawaarijta.
Saraakiisha Ciidamada hogaaminaya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah, ilaa laga xaqiijiyo in deegaanka laga sifeeyo khatarta argagixisada, loona soo celiyo nabadda iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka.









