Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland oo Xustay Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Sonkorowga

0
167
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Sonkorowga, oo sanad kasta laga xuso 14-ka November guud ahaan dunida.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas, xubno ka socday gollaha wakiilada Agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasime waaxeedyada, daneeyayaasha Caafimaadka, guddoonka Ururka Dhaqaatiirta Jubaland, qaar ka mid ah dhaqaatiirta magaalada Kismaayo iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xuska maalintan.