Wafdi ka Socda Wasaaradda Tamarta Jubbaland oo Kulan Ku Saabsan Horumarinta Adeegyada Biyaha la Yeeshay Hay’adaha WASH ee Gobolka Gedo

0
166
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, Ayaa  kulan la yeeshay qaar kamid ah Hay’addaha ka howgalo Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo arimaha WASH-ka.
Shirkan oo dhinacyo badan taabanaayay ayaa diirada lagu saaray maareynta iyo horumarinta adeegyada biyaha.
Kulanka Agaasimaha waxaa ku wehlinaayay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineero ka socday wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo, iyo Iskuduwaha Degmada Doolow.