Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo dayactir ku sameeyay wadada xiriirisa Janaay Cabdalle iyo Afmadow

72

Ciidanka halyeeyada ee Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ee CXDS ayaa dayactir ku sameeyey wadada xiriirisa magaalooyinka Janaay Cabdalle iyo Afmadow.

Wadad oo muhiim u ah isu socodka bulshada, ayaa ciidanka waxay ka sameeyeen howl lagu dayactirayo, iyadoo laga jaray geedaha ku xeeran, lana saaray jayayga.

Tani waxay bulshada isticmaasha wadadan u fududayn doontaa marista iyo isticmaalka wadada si ammaan ah.

Ciidanka ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanka.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo horumarinta isku socodka shacabka, si loo hubiyo badqabka dadka iyo gaadiidka isticmaalaya wadad istiraatiijiga ah.