Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Jubbaland oo Kormeeray Dhismaha Waddada Afmadow–Buulo Gaduud iyo Mashaariicda Janaay Cabdulle

0
196
Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday deegaanka Janaay Cabdulle, halkaas oo uu si xawli ah uga socdo dhismaha waddada isku xirta Afmadow iyo Buulo Gaduud.
Waddadan oo ay iska kaashanayaan Dowladda Jubbaland iyo shacabka, ayaa horey loo dhisay ilaa 30 km, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhow laami la saaro.
Mas’uuliyiinta kormeertay mashruuca ayaa tilmaamay in waddadani muhiim u tahay isku xirka deegaanada, kobcinta ganacsiga, fududeynta isu socodka shacabka iyo horumarinta amniga.
Intii ay ku sugnaayeen Janaay Cabdulle, xubnaha wasiirrada ayaa sidoo kale kormeerey mashaariic kale oo horumarineed oo halkaas ka socda.