Maxkamadda Ciidamada dowladda Jubbaland oo Xukun Ku Riday Askari Ku Eedeysnaa Dil

0
199
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa  u fariisatay dhageysigii ugu dambeeyay ee kiis dil ah oo uu eedeysane ka yahay Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu eedeeyay dilka AUN Aadan Maxamed Madey.
Fadhiga maxkamadda oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa waxaa goob-joog ahaa ku-xigeennadiisa, xeer-ilaalinta, ehellada labada dhinac iyo qareenka difaacayay eedaysanaha.
Dhageysiga dacwadda, oo hore dhowr jeer ay maxkamaddu u fariisatay, ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay iyadoo Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aanka, kaas oo uu akhriyey Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Maxamed Dhagajuun kaas oo ah diyada marxuumka oonah 100 geel iyo shan sano oo xabsi ah.
Ehellada labada dhinac oo maxkamadda ka hadlay kaddib ayaa sheegay inay ku qanceen xukunka maxkamadda, iyagoo bogaadiyey sida cadaaladda ah ee loo maareeyay dacwadda.