Taliyaha Ciidanka Taraafikada dowladda Jubbaland oo Faahfaahiyay Howlgallo Lagu Xoojinayo Nidaamka Waddooyinka

0
176
Taliyaha Ciidanka Taraafikada dowladda Jubbaland Cabdishakuur Sheekh Dayib, ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ciidamada taraafikadu wadaan, kuwaas oo lagu xaqiijinayo in darawalladu ilaaliyaan shuruucda iyo nidaamka waddooyinka.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo shilalka waddooyinka iyo khilaafaadka ka dhasha ku xad-gudubka sharciyada taraafikada.
,”Ujeeddada howlgalku ma aha ciqaab, balse waa wacyigelin iyo ilaalinta nolosha dadka isticmaala waddooyinka,” ayuu yiri Taliyaha.
Wuxuu ugu baaqay darawallada iyo shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada taraafikada, si loo hubiyo in waddooyinka magaalada ay noqdaan kuwo ammaan ah oo nidaamsan.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka taraafikada, ayaa lagu sameeyay dib-u-habeyn ballaaran, taas oo lagu doonayo in kor loogu qaado hufnaanta shaqadooda iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan.