
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose si rasmi ah uga furay kulanka lagu dhisayay ururka iskaashiga Booliska iyo Bulshada.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu dhisayo nidaam boolis deegaan oo hufan, isla markaana lagu xoojinayo amniga iyo wada-shaqeynta bulshada iyo laamaha amniga.
Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jubbaland, madax kale oo heer gobol ah, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageerada iyo muhiimadda ay u arkaan barnaamijkan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa sheegay:
“Ujeeddada ugu weyn ee kulankan waa in la dhiso kalsooni iyo wada-shaqeyn dhab ah oo ka dhexeysa Booliska iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar deegaan.”
Mid kamid ah saraakiisha booliska oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri:
“Iskaashiga bulshada iyo boolisku waa laf-dhabarta sugidda amniga. Taageerada bulshada ayaa ah hubka ugu weyn ee aan kaga hortagi karno dambiyada iyo caqabadaha amni ee jira.”
Dhanka kale, xubno ka socday bulshada Dhoobley ayaa xusay:
“Barnaamijkan wuxuu noo yahay fursad aan ku muujin karno kaalintayada. Booliska keligood ma qaban karaan amniga, balse wadajir ayaan wax badan ku qaban karnaa.”

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







