
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu gorfeeyay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xasillinta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxaha khawaarijta.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kale ee ku midaysan mashaariicda xasillinta, iyo masuuliyiin kale oo heerar kala duwan leh.
Intii uu socday kulanka, waxaa la isla gartay in la mideeyo dadaallada wasaaradaha iyo hay’adaha dowliga ah si shacabka ku nool deegaannadaasi ay u helaan adeegyo dowladeed, nolol deggan iyo nabad waarta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







