
Wasaarada Deegaanka Isbedelka Cimilada Jubbaland iyo Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Jubbaland ayaa maanta si wada jir ah u gorfeeyay warbixinta Elnino ee roobabka deyrta la filayo.
Qiimeynta warbixinta oo ay soo diyaarisay Waaxda saadaasha hawada ee Wasaarada Deegaanka ayaa waxaa si qoto dheer uga wada dooday Wasiirka Wasaarada Deeegaanka Mudane Caydiid Suleyman Xaashi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Jubbaland Madane Maxamed Cusmaan Jaamac , Agaasimayaasha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Gargaarka.
Falaanqeyn dheer kadib Masuuliyiinta labada Wasaaradood ayaa isku raacay qodobadaan soo socdo.
1. In si wada jira Wasaaraduhu uga sii wada shaqeeyaan soo saarista Warbixinta.
2. In labada Wasaaradood oo kaashanaya Wasaaradaha dhigooda ah ay soo saaraan Digniino ku aadan roobabka deyrta la saadaalinayo inay isu bedelaan Elnino.
3. In ka shaqaynta arintan ay u xilsaaran yihiin labada agaasime guud ee labada Wasaaradood.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







