
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Jubbaland, ayaa gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhoobley, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Guddoomiyaha degmada Dhoobley iyo xubno ka tirsan maamulka Degmada.
Ujeeddada safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ah sidii bulshada reer Dhoobley looga talo gelin lahaa Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubaland ee shanta sano ee soo socota 2025–2029, si loo hubiyo in codka bulshada deegaanka uu ka mid noqdo qorsheynta iyo horumarinta mustaqbalka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta qorshayaasha dhaqaale iyo xoojinta iskaashiga bulshada rayidka ah, iyadoo sidoo kale la filayo in Wasiirku uu kulammo la qaato mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada.














