Wasiirka deegaanka Jubbaland oo dhir ku beeray garoonka diyaaradaha Kismaayo xuska maalinta Dhir-Beerista aawgeed.

0
178
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Jubbaland Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi oo ka duulaya muhiimadda Maalinta Dhir Beerista ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ku beeray Dhir kala duwan oo ka qayb qaadanaya badqabka deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ayaa waxaa dhir beeridan kala qayb qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo iyo Maareeyaha Garoonka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi ayaa munaasabadda xuska Maalinta Dhir Beerista Soonaaliya awgeed Afartan geed oo kala nooc ah ku wareejiyay Masuuliyiinta isagoona kala qayb qaatay beeridda dhirtan deegaanka muhiimka u ah kana qayb qaadanaya bilicda Garoonka.