
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay Madaxa Qeybta Duumada (Malaria), Mudane Cabdiqadar Maxamed Cali, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Balad-Xaawo, iyadoo ay soo dhoweeynta ka qeyb ahaayeen Isku-duwaha caafimaadka degmada, Madaxa xogta degmada, iyo xubno kale oo ka tirsan bahda caafimaadka ee deegaanka.
Intii uu socdaalku socday, wafdiga ayaa kormeeray xarumaha caafimaadka ee degmada, oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud iyo xarumo kale oo daryeel caafimaad bixiya.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







