Wajiga Saddexaad ee Dhismaha Waddooyinka Kismaayo oo Si Xawli ah Ku Socda

0
467

Dhismaha waddada Majaango, oo ka mid ah wajiga saddexaad ee Mashruuca dhismaha waddooyinka Laamiga ah ee magaalada Kismaayo, ayaa si habsami leh u socota.

Waddadan oo ah mid muhiim u ah isu socodka bulshada iyo gaadiidka magaalada, ayaa lagu dhisi doonaa tayada ugu sareysa si loo fududeeyo isku xirka xaafadaha, loona kordhiyo bilicda iyo horumarka magaalada.

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Kismaayo ayaa xaqiijiyey in shaqadu ku socoto jadwalkii loo qorsheeyey, isla markaana waddadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee magaalada.