Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska dowladda Jubbaland oo howlgalo amni xaqiijin ah ka wada degmooyinka degmooyinka Doolow, Luuq, Beled-Xaawo, iyo deegaannada hoos yimaada.

0
419
Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada ee gobolka Gedo
ayaa maalintii labaad ka wada howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka isku xira degmooyinka Doolow, Luuq, Beled-Xaawo, iyo deegaannada hoos yimaada.
Howlgalkaan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago falalka khatarta ah iyo dhibaatada ay kooxaha Khawaarijta ku hayaan shacabka deegaanka.
Ciidamada ayaa si weyn u xoojiyay joogitaankooda goobaha muhiimka ah si ay u sugaan nabadgelyada shacabka.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid qorsheysan oo looga hortagayo dhagarta Khawaarijta, loogana gol leeyahay in lagu sugo amniga guud ee shacabka’ waxaan shacabka ugu baaqeen in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, ayna la wadaagaan xog kasta oo amniga khuseysa.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo saaxiibadooda gobolka si loo xaqiijiyo amniga, loona sugo xasilloonida deegaannada ay ka howlgalayaan.